Thursday, June 26, 2025

XOG: Qorshe ciidamo Itoobiyaan ah lagu keeni lahaa Muqdisho oo la isku heysto (Akhriso dalalka ka hor yimid)

Dowladda Itoobiya ayaa ku fashilantay inay ciidamadeeda ka tirsan AMISOM ay saldhig cusub ku yeeshaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdish, iyadoo iyadoo culeys weyn ku saartay AMISOM arritan isla markaana diiday inay qabato jagada taliska AMISOM.

Taliyihii ugu danbeeyay ee AMISOM oo ka socday dalka Kenya Jonathan Kipkemoi Rono ayaa xilka ka tegay April 2015, isagoo lagu dhaliiyay warar ka soo yeeray iyo maqnaansho fara badan. waxaana AMISOM ay ku qaadatay inay taliye cusub magacawdo December 2015.

Sarkaal Itoobiyaan ah ayaa la sugayay inay xilka kala wareegto taliyaha Kenyaatiga ah ee Janaayo 2016, laakiin waxaa la yaab noqotay in taliyaha ciidamada Itoobiya Gen. Samora Yunis uu shuruudo dhowr ah ku xiray inuu taliye u soo magacaabo AMISOM.

Shuruudaha Itoobiya ee uu la yimid taliyaha ciidamada dalkaasi waxay ka careysiiyeen dowladda Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo u arkay xurmo darro iyo ajandayaal qarsoon oo Itoobiya iskeed u wadato, taasoo keentay in xaaladu cakiranto AMISOM-na ay ahaato taliye la’aan.

Shuruudaha taliyaha ciidamada Itoobiya Gen. Samara soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:

  1. In Itoobiya ciidamo ka socda oo gaaraya 1000 askari la geeyo magaalada Muqdisho.
  2. Inuu taliyaha AMISOM yeesho awood uu shaqada uga eryi karo taliyeyaasha AMISOM ka tirsan, xitaa haddii ay ka socdaan dalalka kale ee ciidamadoodu ka joogaan AMISOM.

Dalabka diblomaasi xumida ah ee ka yimid taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya ayaa qas ka dhex abuuray dalalka ka tirsan sida Kenya iyo Uganda oo si toos ah uga hor yimid, waxayna sidoo kale ka careysiisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka cabsi qaba inay fadeexad ku noqoto ku tiirsanaanta Itoobiya oo damac kale uga jiro inay Muqdisho ku soo laabato kadib faragelintii weyneyd ee dhiigga badan ku daatay sanadkii 2007.

Warkan waxaa laga soo xigtay African Confidential


African-confidential

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON