Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dhowaan isu dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu jiro qorshe ay ka damacsan tahay dowladda Federaalka.
Xogta ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay Sheekh Roobow la soo qaaday inuu kala shaqeeyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, isagoo ka mid noqonaya saraakiisha ciidamada, arrintaas oo uu Roobow ka caga jiiday.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Cali Roobow uu weli u socdo wadahadal, wuxuuna intaasi raaciyay Muqtaar Roobow ay Muqdisho keeneen Ciidamo Soomaaliyeed, oo aanay jirin Ciidamo caddaan ah oo ka shaqeeyay in Roobow uu Dowladda isku soo dhiibo.
Kheyre ayaa sheegay in in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto khibrada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo iyo sidii uu gacan ugu geysan lahaa soo afjaridda Dagaalka Al-shabaab.
Roobow oo la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa hore u soo bandhigay in lagu taageero dagaalka lagula jiro Alshabaab, arrintaas oo weli u muuqata in la isku mari la’ yahay.