Wednesday, June 25, 2025

XOG: Raadkii ugu horeeyay ee xasuuqii Gololley oo la helay & Baaritaan ku socda Gaari..

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in la helay raadkii ugu horeeyay ee xasuuqii ka dhacay degaanka Gololleey oo lagu laayey 7 shaqaale caafimaad iyo qof rayid ah 27-kii May 2020.

Xogta laga helay saraakiisha wada baaritaanka ayaa sheegaya in kadib wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay dadka degaanka lagu ogaaday in askartii afduubatay shaqaalihii xarunta MCH-ka degaanka Gololleey ay Gaari Caasi ah ka qafaasheen wadadda, kaasoo ay ku tageen degaanka, waxaana la helay Gaarigaasi iyo qofkii darawalka ka ahaa.

Gaariga iyo Darawalka ayaa la geeyay xarunta CID-da magaalada Muqdisho, halkaasoo baaritaan ku socdo, waxaana la sheegay in Berri dib loogu celin doono degmada Balcad, waxaana si gaara wareysi loola yeeshay darawalka Gaarigaasi.

Tallaabadan ayaa fure u noqoneysa baaritaanka lagu wado kiiskan lagu laayey 8 qof, waxaana baaritaankiisa ku jira Guddi ka socda maamulka Hirshabeelle, saraakiisha CID-da Muqdisho iyo xubno kale oo degaanka kasoo jeeda.

Dadka degaanka ayaa shaki ka muujiyey baaritaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle oo hore u beeniyey inay ciidamada dowladda geysteen xasuuqaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON