Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha cusub ee magacaaban Xasan Cali Kheyre uu wado qorshe keeni kara inay isku dhacaan Baarlamaanka Federaalka iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Qorshahan oo dad ku dhowdhow ay kasoo xigteen ayaa Goobjooge.com u sheegay inuu ku saabsan yahay in xildhibaanada Baarlamaanka aysan ka mid noqon Golaha wasiirada cusub ee la magacaabi doono.
Qorshahan ayaan la ogeyn inay isla ogyihiin Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Xasan Cali Kheyre, laakiin kan danbe ayaa u sheegay siyaasiyiin ay saaxiibo yihiin inuusan xukuumadiisa ka mid noqon doonin qof xildhibaan ka ah Baarlamaanka.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay iska hor imaad ka dhaliso dowladda cusub iyo baarlamaanka iyadoo la ogyahay in xildhibaano badan ay doonayaan xilalka wasiirada, isla markaana olole ugu jiran sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha wasiirada.
Qodobka ku saabsan in Wasiirada xukuumadda ka yimaadaan Baarlamaanka iyo in laga qaato bannaanka ayaa ahaa muran laga soo gudbay sanadihii dowladii C/llaahi Yuusuf, waxaana hadda muuqata inuu qodobkaasi dib u soo laabtay.
Goobjooge.com