Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in kulan gaara uu goor dhoweyd uga bilowday Madaxda Somalia iyo Itoobiya.
Kulankan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta gaareen magaalada Addis abab, taasoo ka danbeysay kulan degdeg ah oo uu dalbaday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.
Wararka ayaa sheegaya in qaabilaaad guud oo wafdiga madaxweynaha loo sameeyay kadib ay kulan gaara isu keliyeysteen labada hoggaamiye, iyadoo wafdiga intiisa kale aanay ka qeyb gelin, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee cusboonaaday ka mida muranka diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhowaan socdaal rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya, wuxuu olole ugu jiraa in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay ka harto dacwadda Xuduudka Badda ee Kenya iyo Somalia oo taas bedelkeed lagu xaliyo si Gobolka iyo Afrika hormuud u yihiin.
Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono, inkastoo xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inaysan wax wadahadal ah ka furneyn dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ.

