Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegaysa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid uu diiday inuu la kumo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka codsaday kulan wadatashi ah oo ay yeeshaan, laakiin Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ayaa diiday codsigan.
Ujeedada diidmada Cumar C/rashiid ee la-kulanka Madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu macneeyay in madaxweynaha aanu weli shaqada la wareegin kuna jiro hotel ka mida kuwa magaalada Muqdisho, isla markaasina aanu diyaar u ahayn inuu kulankooda ka dhaco hotel.

Cumar C/rashiid ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inuusan diyaar u ahayn inuu tago hotelka Jazeera, halkaasoo uu degan yahay Madaxweynaha, waxaana markii danbe loo diray ergo ka socota madaxweynaha oo latashi lasoo sameeyay.
Xubnaha madaxweyne Farmaajo u diray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaa hogaaminayay Fahad Yaasiin Xaaji oo ka mida gacanyareyaasha ugu waaweyn madaxweynaha cusub.
Goobjooge.com