Thursday, July 17, 2025

XOG: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo magacaabidda Golaha Wasiirada ogolaansho uga helay xildhibaanada Beelaha

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay soo gabagabeeyay la-tashiyadii uu la yeelanayay xildhibaanada  beelaha Soomaaliyeed.

Kulamo kala gaara oo dhex marayay Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaanada beelaha ee labada aqal ayaa qaatay muddo ka badan toddobaad, waxaana looga hadlay qaabka awood qeybsiga xukuumadda iyo magacaabidda xubnaha golaha Wasiirada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xildhibaanada beel kasta ka codsanayay inay la yimaadaan musharixiin dhowr ah oo uu beel kasta ka xusho ama ay isaga u madax banneeyaan xulashada, kuna taageeraan ciddii uu soo magacaabo, arrintaas oo ahayd qodobka ugu adag ee uu kala hadlay xildhibaanada loo qaabilay qaabka beeleed.

Inta badan beelaha u loolamaya xilalka wasiirada ayaa Ra’iisal wasaaraha siiyay xoriyad uu ciddii uu doono ku magacaabi karo, laakiin waxay dalbadeen wasaaro muhiim ah iyo awood qeybsi ku dhisan rabitaankooda.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaaban 15 maalmood isla markaana muddo toddobaad ah heysta kalsoonida Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuusan ku degdehin ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON