Monday, June 23, 2025

XOG: Shaki soo kala dhex galay Guddoomiye Mursal iyo Xildhibaannada wada Mooshinka Madaxweynaha

Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaki soo kala dhex galay xildhibaannada wada mooshinka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Mursal ayaa kulankii ugu danbeeyay ee uu la yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la isku afgartay inuu waxba kama jiraan ka soo qaado Mooshinka, si xal loogu helo khilaafka keenay inay istaagaan howlihii Baarlamaanka.

Xildhibaanada keenay mooshinka ayaa shaki ka muujiyey qorshaha uu damacsan yahay Guddoomiye Mursal, waxaana shakiga sii xoogeystay markii uu ku wargelin waayey kulankii uu la yeeshay Ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana shirkaasi kadib labada dhinac dhex maray kulamo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka doonayo inuu ku qanciyo xildhibaannadaasi.

Ad

Wararka aya sheegay in Guddoomiye Mursal  uu heshiis xeer jajab ah la galay dhinaca madaxweynaha, iyadoo la sugayo inuu go’aan kasoo saaro arrintan, kadib marka uu qanciyo xildhibaanada mucaaradka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON