Tuesday, July 1, 2025

XOG: Shariif Xasan oo Dagaal siyaasadeedkii ugu weynaa ku bilaabay Musharax Xasan Sheekh & Beeshiisa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan dagaal siyaasadeed oo aan hore loo arag ku bilaabay musharaxa xilka madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii uu burburay isbaheysigii Doorashada ee Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed, wuxuuna ku socdaa dhowr jiho oo kala duwan.

Ololaha waxaa qeyb ka ah wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo loo xil saaray inuu saxaafadda ka weeraro Xasan Sheekh, waxaana wasiirkaasi uu shalay howl weyn ka bilaabay magaalada Muqdisho isagoo warbaahinta caasimadda u qeybiyay wareysiyo uu ku weerarayo Xasan Sheekh.

Shariif Xasan Sheekh Aadan

Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayuu Shariif Xasan u xil saaray inuu hogaamiyo dagaalka warbaahinta ee lagu qaadayo Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, taasoo uu si dardar leh ku bilaabay.

Ololaha kale ee Shariif Xasan ayaa noqday in dagaalkii uu kula jiray beesha siyaasiyiinta beesha Daarood u wareejiyo Beesha Abgaal isagoo raadinaya isbaheysi cusub oo looga hortago in mas’uul ka soo jeeda beeshaasi uu madxweyne noqdo, isagoo bilaabay wadahadal uu ku doonayo inuu isbaheysi kula sameysto musharixiinta Beesha Daarood ee xilka madaxweynaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON