Thursday, April 25, 2024

XOG: Shariif Xasan oo Qorshe cajiib ah u dhigay hakinta Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa  qorshe cajiib u dhigay si uu u hakiyo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ee dhici lahayd 17-ka Bishan.

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in Shariif Xasan saacadihii ugu danbeeyay kulamo is daba joog ah xaruntiisa madaxtooyada kula lahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed iyo xubno kale oo isugu jira odayaal iyo siyaasiyiin, kadibna uu go’aansaday inuu cadaadis ku saaro xubnaha taageersan ee ka mida Guddiga Doorashada inay xilalka iska casilaan.

Qorshahan ayaa salka ku haya inay dib u dhacdo doorashada K/Galbeed, kadibna ay xaaladu is bedesho, iyadoo cabsi weyn laga qabay inuu doorashada ku guuldarreysto Shariifka warar kala duwan kasoo baxayeen inuu qorsheynayey inuu ka haro doorashada, taasoo haddii aysan dhicin keeni karta khalkhal soo wajaha Doorashada.

Ad

In ka badan kala bar xubnaha Guddiga Doorashada oo ay ku jiraan madaxdii Guddiga ayaa is casilay, taasoo dhalineysa xaalad hubanti la’aan ah oo doorashada soo wajahda, waxaana laga cabsi qabaa inuu hakad soo galo doorashada oo horseedi kasta xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Xubnaha Guddiga doorashada ee is casilay ayaa arrintaas ku micneeyay inay ka dambeysay faragelin lagu hayo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Muqdisho la geeyay inta badan xildhibaannada Koonfur Galbeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON