Saturday, August 23, 2025

XOG: Shirkadaha Xawaaladaha magaalada Muqdisho oo laga xayiray isticmaalka adeegga EVC Plus

Shirkadadaha Xawaaladaha magaalada Muqdisho ka howlgala ayaa xayiraad laga saaray itsticmaalka adeegga EVC Plus ee lacagaha la isaga diro Mobile-ada shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Arrintan oo muddo toddobaad ah socotay ayaa keentay inay xaalad culus kasoo wajahdo shirkadaha Xawaaladaha oo adeegsan jiray adeeggan si ay macaamiishooda ugu diraan lacagaha dibadda laga soo diro.

Qaar ka mida shaqaalaha shirkadaha xawaaladaha Muqdisho oo Goobjooge.net la hadashay ayaa sheegay in xayiraadan ay tahay mid iyaga u gaara, iyadoo shaqaalaha xarumaha shirkadda adeegga EVC Plus bixisa ay diideen inay lacag ugu shubaan shaqaalaha shirkadaha xawaaladaha iyadoo u sheegay inay tahay amar la siiyay.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in tallaaban ay salka ku heysto tartan dhinaca ganacsiga ah oo ka dhaxeeya shirkadaha waaweyn ee xawaaladaha iyo isgaarsiinta siiba Hormuud iyo Dahabshiil oo safka hore uga wada jira suuqa ganacsiga Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha.

Shaqaalaha Xawaaladaha kala duwan ayaa dhibaato kasoo wajahday sidii ay degdeg ugu diri lahaayeen macaamiishooda lacagaha loo soo xawilo, waxayna sameysteen qaabab cusub oo ay uga baxsadaan xayiraadda laga saaray EVC plus, iyadoo weli adeegsanaya.

Waxaa aad u adag adeeg caam ah (public) in dadka qaarkood laga xayiro, waxayna arrintan sii xoojineysaa baahida loo qabo dhaqan gelinta sharciga meel maray ee isgaarsiinta Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON