Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isagoo xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir.
Xeer ilaaliyaha cusub waxaa loo magacaabay Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa Garyaqaannada Maxkamadda sare ee dalka, waxaana isla xilka Garsoorenimo u magacaabay sanad ka hor madaxweyne Farmaajo [Akhri Warka], isagoo ka mid ahaa shan Garsoore oo madaxweynaha magacaabay markii uu eryay garsoorayaashii Maxkamadda Sare.
Goobjooge.net ayaa ogaatay in Suleymaan Maxamed Maxamuud ay magacaabiddiisa salka ku heyso awood qeybsiga 4.5, markii Guddoomiyaha Bankig Dhexe ee Soomaaliya loo magacaabay bishii April 2019 C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo ay isku heyb yihiin Xeer ilaaliyaha xilka laga qaaday [Akhriso], waxaana arrintaasi ka gadooday Puntland oo awood qeybsi ahaan hore u lahayd xilka Bankiga dhexe.
Ku dhowaad 7 bilood kadib, wuxuu Madaxweyne Farmaajo dibu soo celiyey miisaanka awood qeybsiga beelaha, isagoo xilka Xeer ilaaliyaha Qaranka u magacaabay Mas’uul kasoo jeeda Puntland, waxayna qeyb ka tahay dadaal uu ku doonayo inuu ugu dhowaado Puntland oo muddooyinkii danbe waanwaan laga dhex maray Madaxweyn Puntland.
Xeer ilaaliyaha cusub oo sanad ah ka tirsanaa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waa nin dhalinyaro ah oo wax ku bartay dalka Pakistan, inkastoo khibradiisa ay yar tahay sida guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Madaxweyne Farmaajo magacaabay.