Monday, December 9, 2019
More

    XOG: Sidee Ra’iisal Wasaare Kheyre arrimaha Ciidamada ugala wareegay Madaxweyne Farmaajo ?

    Madaxweynaha Soomaaliya waa taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Qalabka sida, waana mas’uulka ay hoos tagaan dhamaan talisyada ciidamada milateriga ee dalka, isagoo wajibaad dastuuri ah ka saaran yahay ciidamada.

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la doortay 8 Febraayo 2017, ballanqaadyadiisii ugu waaweynaa waxaa ka mida ahaa dib udhiska ciidamada iyo fallaagada Alshabaab lagu soo afjaro muddo 2 sanadood ah, taasoo su’aalo badan ka yimaadeen kadib mudaddii uu qabsaday markii ay dhammaaday.

    Farmaajo wuxuu u howlgalay dib u habeynta ciidamada dalka oo muddo dheer ahaa kuwo kala firirsan oo lagu guuleysan waayey in laga dhigo ciidamo Qaran, taasoo keentay inuu xarun ka dhigto Wasaaradda Gaashaandhigga, kana bilaabo isbedelka dib u habeynta ciidamada.

    Waxqabadka madaxweynaha ee dib u habeynta ciidamada ayaa noqday mid kooban muddo sanad iyo bar ah oo arrintan uu ku dhex jirayna waxaa ku adkaaday inuu wax weyn ka qabto howshii ugu adkeyd ee dowladiisa, marka laga reebo hoggaanada ciidamada oo la yareeyay iyo ciidamo cusub oo la qoray sida guutada 14-ka Oktoobar.

    Image may contain: 8 people, people standing

    Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xogta ay heshay Goobjooge.net waxay sheegeysaa inay kala qeybsadeen shaqada oo madaxweynaha loo xil saaray ciidamada, laakiin 2 sano kadib waxaa la arkay iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre faraha la galay arrimaha ciidamada.

    Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu dib u habeynta ciidamada ku wareejiyay Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ay ugu wacan tahay arrimaha soo socda;

    1- Dib u habeynta ciidamada oo noqotay mid ku adag Madaxweynaha.

    2- Saraakiisha iyo ciidamada u baahan in la wajaho oo ku sugan Gobolka Banadir iyo labada Shabeelle, kuwaasoo u badan qabiil gaara oo madaxweynaha eed uga imaan karto.

    3- Beesha Caalamka oo Ra’iisal wasaare Kheyre ka door biday inuu hoggaamiyo dib u habeynta ciidamada.

    Image may contain: 1 person, sky and outdoor

    Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa ay gacanta la galaan arrimaha ciidamada, waxaana si toos ah uga shaqeynaya wasaaradaha Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

    Diiwaangelinta ciidamada oo ahayd arrinta ugu adag ee hortaalla dowladda ayaa hadda gabagabo ku dhow, waxaana qorshaha dib u habeynta ciidamada ee uu wado Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhoweeyay beesha Caalamka, iyadoo faahfaahin laga sugayo inuu ka bixiyo shirar ka dhacaya magaalada Washignton ee dalka Mareykanka.

    Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
    Diyaarintii: Goobjooge.net

    WARARKII UGU DANBEEYAY

    TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
    LAGUU SOO XULAY

    XOG: Dowladda Somalia oo xayiraad saartay Sawir-qaadihii la socday Almaas Elman & la-taliyaha Madaxweynaha oo difaacay…

    Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka badan toddobaad xayiraad saartay sawir-qaadihii la socday marxuumad Almaas Elman oo Arbacadii 20-ka bishan Novembar lagu dhex...

    XOG: Sidee ku timid magacaabista Xeer ilaaliyaha cusub ee Qaranka..? [Awood qeybsi lagu qancinayo Puntland]

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isagoo xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali...

    Sidee loo dilay Almaas Elman Cali Axmed? [Warbixin ku saabsan su’aalo ka dhashay Dilkeeda & Taariikhda Qoyska]

    Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almaas Elman Cali Axmed oo ahayd haweeney hore u...

    Wakiilo ka kala socday Madaxweyne Farmaajo & Sheekh Shariif oo shirkii ugu horeeyay yeeshay & Qabanqaabada..

    Wakiilo ka kala socda Madasha Xisbiyada ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay...
    error: Content is protected !!