Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hogaamiye kooxeedyo hore, siyaasiyiin iyo ganacsato ay bilaabeen inay hubkooda kala baxaan magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay howlgallo amni ka bilowdeen magaalada Muqdisho, isla markaana ciidamada isku dhafka ee caasimadda ay baaritaan ka bilaabeen xaafadaha Muqdisho.
Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta hubkooda kala baxaya Muqdisho ayaa heysta hub waaweyn oo kuwa tiknikada ah, waxaana la sheegay in hubkaas intiisa badan la geynayo gobolka Shabeelada Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaan ku dhawaaqin hub ururin ka dhaceysa Muqdisho, laakiin waxaa la dareemayaa in howlgalka Muqdisho ka socda u xuub siibanayo hub ururin xilli siyaasiyiin hore ay ka hor yimaadeen qorshahan hub qaadista ah oo ah arrin xasaasi ah.
Goobjooge