Thursday, June 26, 2025

XOG: Taliyaha Ciidamada Booliska oo Qarka u saaran in xilka laga qaado & fadeexad ku soo baxday

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/xakiin Daahir Saacid ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay xil ka qaadis.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Jeneraal  Saacid ay ku soo baxday fadeexad ku saabsan wax is daba marin, isagoo  qeyb ka mida mushaar loogu talogalay ciidamada Booliska dib u dhigay.

Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda Soomaaliya ay amartay in la bixiyo mushaarka ciidamada Booliska oo loogu talogalay inay dhowr bilood la siiyo ciidamada ka hor ciidul fitriga, laakiin waxaa dhacday in taliyaha Booliska uu faragelin ku sameeyay isagoo dib u dhigay bixinta qeyb ka mida mushaarka loogu talogalay ciidamada Booliska.

Wasiirka Amniga xukuumadda, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa la gaarsiiyay arrintan, iyagoo si weyn uga carooday, waxaana taliyaha oo su’aalo laga weydiiyay arrintan uu ku fashilmay inuu jawaab waafi ah ka bixiyo, taasoo keentay in madaxweyne Farmaajo uu amro in Taliye Saacid laga wareejiyay ku lug yeelashada arrimaha maaliyadda ciidamada Booliska.

Taliyaha ciidamada Booliska oo hore xilkan u soo qabtay ayaa tallaabooyin kuwan la mida kula kacay ciidamada Booliska iyadoo mararka qaarkood lacago laga reebi jiray mushaarka ciidamada Booliska.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON