Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas ayaa laga dhaadhicinayaa inuu aqbalo, lana shaqeeyo maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Wararka ayaa sheegaya in xiriir ay wada yeeshaan madaxweynaha la doortay ee Cali C/llaahi Cosoble iyo Ugaas Xasan oo la sheegay inuu wadahadal kooban dhex maray.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka codsaday Ugaas Xasan inuu taageero maamulkan cusub ee Hirshabeelle.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qabanqaabo loogu jiro sidii madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle cali C/llaahi Cosoble u tegi lahaa magaalada Beledweyne.
Goobjooge.com