Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xaqiijisya inay wadahadal kula jirto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadal u socdo Dowladda Federaalka iyo Wadaadka Alshabaab ka goostay ee Sheekh Muqtaar Roobow Cali oo hore u ahaa Guddoomiye Kuxigeenkii Al-shabaab.
Sarkaalka oo ay soo xigatay Wakaalada wararka Reuters ayaa magaciisa lagu sheegay Col. Aadan Axmed, wuxuuna sheegay in wadahadallada ay yihiin kuwo si toos ah u dhex maraya labada dhinac oo lagu doonayo in Sheekh Muqtaar Rooboow isu soo dhiibo dowladda.
Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan Liiska dadka la doondoonayo ka saartay Sheekh Roobow iyadoo lagala noqday lacagtii madaxiisa la dul dhigtay ee gaareysay 5 Milyan oo Dolar.
Alshabaab ayaa ciidamo badan u dirtay halka uu ku sugan yahay ee degaanka Abal oo 20 KM u jirta degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.
Goobjooge