Wednesday, June 25, 2025

XOG: Wararkii ugu danbeeyay kulanka Baarlamaanka ee Qalbi dhagax & Arrin laga cabsi qabo

Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa maanta mar kulan ka yeelanaya arrinta sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay Itoobiya.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo shalay go’aamiyay in berri la qabto fadhigii Baarlamaanka ee baaqday Sabtidii, ayaa xildhibaannada ugu baaqay inay ka qeyb galaan shirka maanta.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in kulanka maanta ku qabsoomi doono jawi ay xukuumadda Soomaaliya soo diyaarisay, kasoo guddoonka Baarlamaanka ay isla garteen in Xaaladda la fududeeyo oo dib loogu celiyo guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ololihii xukuumadda Soomaaliya uu mira dhal noqday, iyadoo inta badan xildhibaanada lagu qanciyay in kiiskan uu noqdo mid hoos loo dhigo xiisadda ka dhalatay.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaanada taageersan ayaa ku kalsoon inay heystaan taageero ku filan oo kiiskan ay looga horjeedo ay ku laali karaan, kadib muddo toddobaad ku dhow oo ay olole ka dhex wadeen xildhibaannada.

Dhinaca kale xildhibaannada ka horjeeda go’aanka dowladda Soomaaliya ee ay Itoobiya ku wareejisay Sarkaalka ONLF ayaa qorsheynaya inay arritan u bedelaan mooshin kalsoonida loogala noqdo xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin in kulanka Baarlamaanka ee maanta ay fowdo u bedelaan haddii rabitaankooda ay afduubtaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga cabsi qabaa in kulanka maanta uu noqdo mid kacsan oo wax waliba laga filan karo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON