Warar kala duwan ayaa kasoo baxay goobta loogu taloglay in lagu qarxiyo gaarigii weynaa ee qaraxa laga soo dhaamiyay, kaasoo 14-kii bishan ku qarxay Km5 magaalada Muqdisho.
Goobta ay wax ka dhaceen ee KM 5 kuma oolin Xarun Xero Ciidan ama saldhig milateri, waxaase aad ugu dhowaa xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada oo dad badan aaminsan yihiin inuu bar-tilmaameedku ahaa, taasoo dad ku jiray dhaawacyo soo gareen.
Wasaaradda Arrimaha dibadda waxaa ilaaliya ciidamada AMISOM, waxayna dhinaca ku heysaa goobta qaraxa ka dhacay waxaa xilliga qaraxa ku sugnaa wasiiro dhowr ah, waxaana ka socday shir, iyadoo shaki la’aan haddii qofka is-miidaamiyaha ah hadii uu la beegsan lahaa aya noqon lahayd xarun weyn oo dowladeed oo la weeraray.
Ilo dhinaca ammaanka ammaanka Gobolka ah oo codsaday inaan la magacaaabin ayaa rumaysan in Gaariga uu ka khaldamay Bartilmaameedkiisa. Iyadoo aragti kale ay sheegeyso in Gaariga weyn loogu talogalay qaraxa hore ku galo xarunta Wasaaradda, kadibna gaariga la fashiliay ee qaraxa labaad uu goobta galo.
Gaariga labaad ee daqiiqado kadib qaraxa labaad ku qarxay xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir oo ku dhow goobta qaraxa ayaa laga yaabaa in dabley ay u diyaarsaneyd si uu u geeyo goobta qaraxa, kaasoo jidku ku xayirmay, isla markaana darawalkii waday la qabtay markii gaarigu qarxay.
Waxaa loo maleynayaa in ciidamada joogay isbarada Isgoyska Banaadir oo gaariga joojiyay iyo darawalka oo xawaare ku baxsaday ay keeneen inuu seego xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.