Tuesday, June 24, 2025

XOG: Wasiir Beyle oo ka hor yimid Qoonde Golaha Wasiirada u ansixiyeen Maamulka G/Banaadir

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mamulka Gobolka Banaadir ka hor istaagay qoonde ay u gooyeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah kadib markii go’aanka Golaha Wasiirada uu soo baxay, wuxuuna ka hor istaagay in gobalka Banaadir uu ka qeyb galo shirka maamuladda dalka ee looga arRisanayo dhaqaalaha, iyadoo maamulka G/Banaadir  laga reebay in shirarkaasi lagu casuumo.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle

Maamulka Banaadir oo dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay, dakhliga soo galana ay kaliya ka hesho ilaha dhaqaalaha ee Gobolka Banaadir ayaa hadda ku jira xaalad la yaab leh oo ku saabsan in laga xayiro qeyb yar oo ka mida dakhligaasi oo xukuumaddu u qoondeysay.

Wasiir Beyle ayaa laga soo xigtay inuu iloobay casuumaadii uu maamulka Goboka Banaadir uga qeyb geli alhaa shirarka dhaqaalaha ee maamulada dalka, iyadoo dhinaca kale maamullada kale aan intooda badan  la siin dhaqaalihii loo qoondeeyay.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaan la ogeyn dagaalka kula jiro gobolka Banaadir iyo xayiraadda uu saaray inuu keli ku yahay iyo madax kale ku wehliyaan, waxaase muuqata in wasiirada qaar ay awood u leeyihiin inay diidaan go’aannada xukuumadda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON