Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Soomaaliya oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa la sheegay in lagu wareejinay kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Wasiirka Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa saacado gudahood shirar kala duwan kula yeeshay caasimadda xubno siyaasiyiin iyo odayaal ah oo soo dhoweyn u sameeyay, ganacsatada beeshiisa iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Iyadoo aan weli la dhaarin ayaa la sheegay in wasiirka lagu wareejinayo kiiska dacwadeed ee muranka badan ka taagan yahay, kaasoo ku socda C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxaana jira dadaal loogu jiro in arrinta si hoose lagu dhameeyo oo xal loo raadiyo.
Wasiir Cabdi Maxamed ayay isku jufo yihiin C/raxmaan C/shakuur, waxayna tani qeyb ka tahay in xal loo helo is mari waaga dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo isu bedelay qaab beeleed.