Wednesday, July 16, 2025

XOG: Wasiirkii ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor yimid, una wareegaya Musharax kale

Iyadoo la galay xaaladda kala guurka ah ee dowladda Federaalka, isla markaana qarka loo saaran yahay doorashada xilalka sare ee dowladda cusub ayaa waxaa soo baxaya inay kala furanayaan siyaasiyiin isu dhowaa iyo soo shac bixitaanka isbahayeso siyaasadeed oo cusub.

Waxaa ugu dambeeyay in mid ka mida xubnaha Golaha wasiirada ee aadka ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, laguna tilmaami jiray gacan-yaraha madaxweynaha ee dhinaca maaliyadda ay isku dhaceen, kuna kala tageen siyaasadda xilligii ugu adkaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiiru Dowlaha Maaliyadda xukuumadda Federaalka C/llaahi Maxamed Nuur oo ahaa wasiir  mar kasta xilkiisa ku soo noqonayay saddexdii xukuumadood ee laga hoos dhisay Xasan Sheekh iyo ganacsade ka qeyb ka leh Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa ka si toos ah uga hor yimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sababta khilaafka Xasan Sheekh iyo C/llaahi Maxamed Nuur ayaa salka ku haya shirka Jowhar iyo cidda noqoneysa madaxweynaha maamulka aan lagu heshiin ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana shirkii ugu danbeeyay oo horaantii bishan dhex martay beesha Wasiir C/llaahi iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhamaaday guuldarro lagu kala tegay markii Xasan Sheekh la soo shir tegay inuu xilka madaxweynaha maamulka labada gobol la doonayo C/qaadir Cosoble Cali, kana biyo diiday taladii Wasiirka iyo beeshiisa.

C/llaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu khilaafkaas dartiis dalka uga dhoofay, isagoo hoosna ka wada qorshe lagu fashilinayo shirka Jowhar, waxaana si rasmi ah ay u kala furteen saaxiibkii ay siyaasadda saddexda sano iyo barka ay ahaayeen.

Arrintan ayaa loo arkaa jug kale oo ku dhacday madaxweynaha Xasan Sheekh oo olole ugu jira in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxayna kooxda Madaxweynaha ka cabsi qabaan inuu mar kale la safto Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay qaraabo dhow yihiin, isla markaana siyaasadda ku soo daray, isla markaana xiriir toos ahi ka dhaxeeyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON