Tuesday, June 24, 2025

XOG: Xidhibaannadii Mooshinkii ka keenay Madaxweyne Waare oo la kala diray (2 Arrin oo loo adeegsaday)

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in la kala diray xildhibaannadii mooshinka ka keenay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar maalin kadib markii Mooshinkiisa loo gudbiyey Baarlamaanka, isagoo halkaasi la tegay qorshe ay ku taageertay dowladda Somalia oo lagu kala furfurayo xildhibannada mooshinka wada.

Madaxweyne Waare ayaa ku guuleystay inuu qanciyo inta badan xildhibaannada Hirshabelle oo la sheegay in la siiyay mushaarka dhowr bilood oo ka maqnaa, iyadoo qaar kale loo ballanqaaday xilal laga siinayo Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo isku shaandheyn lagu sameyn doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON