Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta sida weyn u taageersanaa doorashada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isaga tegay Muqdisho kadib magacaabidii Ra’iisal wasaaraha.
Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu Muqdisho uga tegay si uusan goobjoog uga noqon ansixinta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirka koowaad madaxweyne Farmaajo u magacaabay, laakiin waxaa la sheegay inuu dib u soo laabtay shalay.
Xogta ayaa sheegeysa in Xildhibaan Fiqi uu si weyn uga horjeedo magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub, isagoo ka carooday balan ka bax uu ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo, taasoo ahayd in xilka Ra’iisal wasaaraha isaga loo magacaabo.
Musharixiin badan oo xilka Ra’iisal wasaaraha filayay ayaa qaarkood geesinimo muujiyay oo wahambalyo u diray Xasan Cali kheyre, sida uu sameeyay musharax C/Naasir Cabdulle Maxamed, laakiin Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegay inay xaaladda ku adkaatay oo uu door biday inuusan Muqdisho sii joogin, laakiin markii danbe uu shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, kana qeybgeli doono kulanka ansixinta Ra’iisal wasaaraha.
Goobjooge.com