Thursday, July 17, 2025

XOG: Xildhibaanno & Siyaasiyiinta Mucaarad ah oo la yimid Ciidamo dheeraad ah & Gaadiid dagaal

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka mida  siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Mucaaradka ah ay la yimaadeen ciidamo dheeraad ah iyo gaadiidka dagaalka.

Xubnahan ayaa u badan koox ku mashquulsan mooshin laga wado madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna arrintan ka danbeysay kadib markii ciidamada Nabadsugidda ee NISA ay dhowaan gurigiisa ku weerareen siyaasiga ay isku dhow yihiin ee c/raxmaan C/shakuur, isagoo weerarkaasi lagu dhaawacay, laguna dilay qaar ka mida ilaaladiisa.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada falkan ku dhaqaaqay ayaa ka cabsi qaba in fal la mida kii C/raxmaan C/shakuur kedis loogu qaado ama la khaarijiyo sida uu sheegay Sayid Cali Macalin oo lala xiray C/raxmaan C/shakuur.

Hay’adaha amniga dowladda ayaa xildhibaannada iyo siyaasiyiinta u ogol ilaalo kooban iyo hub aan ka weyneyn AK 47 oo sharciyeysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON