Thursday, June 26, 2025

XOG: Xildhibaano ka mida taageerayaasha Shariif Xasan oo u wareegay Jawaari & C/rashiid Xiddig oo….

Xildhibaano ka mida taageerayaasha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u wareegay dhinaca Musharax Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Wararka laga helayo saraakiisha ololaha Doorashada ee Jawaari ayaa sheegaya in tiradii ugu badneyd ay kasoo jabeen Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasoo hore u taageersanaa musharaxa xilka Guddoomiyaha ee Shariif Xasan ninka lagu magacaabo C/rashiid Maxamed Xiddig.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii kala furfur ku yimid isbaheysigii Doorashada Shariif  Xasan oo uu ka baxay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, waxaana xildhibaanada Digil iyo Mirifle ku dhowaad kala bar la sheegay inay hadda taageerayaan musharaxa Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xildhibaanada ka soo jabay dhinaca Shariif Xasan ayaa uu arka Jawaari inuu ka fursad badan yahay C/rashiid Xiddig, isla markaana ay ka heli karaan xilala mustaqabalka dowladda la dhisi doono.

Musharaxa uu wato Shariif Xasan ee C/rashiid Xiddig ayaa hadda u muuqda in xaaladiisu ay ka sii dareyso oo fursadihii uu heystay ay aad u sii yaraayaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON