Xisbi cusub oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo magaalada Muqdisho.
Xisbigan uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in Khamiista looga dhawaaqi doonaa magaalada Muqdisho ayaa loo bixiyey “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda”, waxaana ku midoobay Xisbiga Daljir iyo Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo ay ku jireen, waxaana ku wehliya siyaasiyiin kale.
Wararka ayaa sheegay in xisbiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee Wadajir oo hore loogu waday inuu ka mid noqdo xisbigan cusub uu ka hakaday arrimo aan la shaacin dartood, waxaana xisbigan ku mideysan in ku dhow 50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Xisbigii Daljir ee ay xubnaha hoggaamiya ka mid ahaayeen xildhibaannada Xasan Macalin iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay la kala diray, iyadoo xubnihiisa loo sheegay in midnimo weyn ay raadinayaan.