Tuesday, July 22, 2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ka hor yimid Xaalad lagu soo rogay Dalka Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa cambaareeyay xaaladda degdega ah ee ay xukuumadda Itoobiya ku soo rogtay dalkaasi.

Mr. Tillerson, ayaa ku baaqay in dadka la siiyo xurriyad balaaran. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson ayaa hadalkan ka jeediyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waa lugtiisii kowaad ee booqasho uu ku mari doono shan dal oo ku yaalla qaaradda Afrika. Mr Tillerson ayaa soo dhaweeyay siideyntii dhawaan ay dowladda Itoobiya xabsiga ka siideysay maxaabiis.

Waxa uu intaa ku daray in uu rajaynayo in dadka loo ogolaan doono in si nabad ah ay u mudaaharaadaan. Ku dhawaad muddo saddex sano ah waxaa dalka Itoobiya ka socday dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Qaar ka mid ah dibadbaxyadaasi ayaa waxay isu badaleen rabshado waxaana xabsiga la dhigay kumannaan qof. Dibadbaxyada ayaa inta badan ka dhacayay gobolada oramada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyada muddada dheer ka socday dalka Itoobiya ayaa waxay horseedeen in dowladda ay xabsiyada ka siideyso dad dhanka siyaasada u xirxirnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON