Monday, August 4, 2025

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka War cusub kasoo saaray Duqeyntii Askarta Galmudug

Xoghayaha Gaanshaandhiga Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay duqeyntii  28-kii September ka dhacday bariga Gobolka Mudug oo lagu dilay askar ka tirsan Galmudug.

Xoghayaha Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka Ashton Carter oo shir jaraa’id ku qbatay Hawaii ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sameyn doonto baaritaan dheeraad oo ku saabsan duqeyntaasi.

defense-secretary-ash-carter
Xoghayaha Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka Ashton Carter

Wuxuu Ashton Carter intaas ku daray in dowladda Mareykanku ay wado baaritaano ku aadan in howgalka lagu dilay ciidamo ka tirsan dowlad goboleed Galmudug iyo in kale, baaritaankaasina ay ka war sugayaan wixii ka soo baxa.

Go’aanka cusub ayaa ee Mareykanka ayaa yimid kadib cadaadis xoog leh iyo dacwad loo gudbiyay oo ku saabsan falkii duqeynta ahaa ee ay ka geysteen Gobolka Mudug.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON