Saturday, July 12, 2025

Xoghaye cusub oo loo magacaabay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka

Xoghaye cusub ayaa loo magacaabay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu xilkaasi ka tegay Xoghayihii hore C/kariim Buux.

Waxaa xilka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo hore u ahaa Wasiiru Dowlihii wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa xildhibaannada Baarlamaankii 10-aad.

Magacaabidda Jaabiri oo kusoo baxday Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo gabagabeysay muddo dheer oo xilkan uu ku fadhiyey Xoghayihii hore C/kariim Buux oo khibrad aad u weyn lahaa, lana shaqeeyay Baarlamaanadii ugu danbeeyay iyo guddoomiyeyaal badan.

Ma cadda qaabka loo magacaabay Xoghayaha cusub iyo in la mariyey hannaanka shaqo qorista shaqaalaha dowladda.

Sida uu qorayo Xer-hoosaadka Golaha Shacabka, Haddii aanu dhisneyn Gudigii Adeega Golaha Shacabka, waxaa magacaabidda Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka soo jeedinaya Guddoomiyaha, marka uu la tashado Ku-Xigeenadiisa, waxaana ansixinaya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON