Tuesday, July 8, 2025

Xoghayihii Caafimaadka Mareykanka oo isu casilay diyaarado uu kireystay Dartood [Akhriso]

Xoghayaha caafimaadka dalka Mareykanka Tom Price ayaa is casilay kadib cadaadis xoog leh oo uga yimid markii la shaaciyay  in uu diyaarado khaas ah u kireysay safarro shaqo, kuna bixiyay lacago fara badan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani, ayaa aqbalay is casilaadiida, waxaana isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

Saraakiisha dowladda marka laga reebo kuwa ku howlan ammaanka qaranka ayaa ku khasab tahay in ay raacaan diyaaradaha rakaabka xilliga ay u baxayaan safarradooda shaqada.

Waxaa baaritaan arrintaa oo kale la xiriirta lagu hayaa saddex xubnood oo ka tirsan golaha wasiiradda ee maamulka madaxweyne Trump.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku xigeenka xoghayaha caafimaad Don J Wright si ku meelgaar ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

Wasiirka xilka ka degay Tom Price ayaa ka mid noqday liiska dheer ee mas’uuliyiinta iscasilay ama xilka laga qaaday ee ka tirsan maamulka madaxweyne Trump.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON