Xoghayihii Gaashaanshigg Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay inuu iska casilay xilka, kana tegayo shaqada bisha February 2019.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray warka shaqo ka tegista Gen. Mattis ee bisha February 2019, isagoo sababta ku sheegay inuu howlgal noqonayo, laakiin waxaa arrintasi ka hor yimid Xoghayaha is-casilay oo sheegay in madaxweyne Trump ay isku khilaafeen arrimo fara badan.
Gen. Jim Mattis ayaa isna qoraal uu soo saarey ku sheegey inuu shaqada uga tagayo kadib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweynaha Trump. Waxayna arrintan timid xilli uu Trump ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalka Suuriya.
Mattis ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuusan waafaqsaneyn qorshaha uu wado Madaxweyne Trump, xaqna u leeyahay inuu helo qof ku aragti ah sida uu u wajahayo arrinta ISIS iyo ciidamada laga qaadayo Suuriya.
Arrimaha madaxweyne Trump iyo wasiirkiisa Gaashaandhigga ayaa hore isugu khilaafay miisaaniyadda dowladda Mareykanka ee ciidamada loo qoondeynayo.