Xoghayahii joogtada ahaa ee wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii banneeyay kadib fulinta go’aan kasoo baxay Golaha Wasiirada oo hore loogu baabi’iyey xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradda Soomaliya.
Xoghayahii joogtada ahaa ee wasaaradda Arrimaha gudaha C/llaahi Maxamud Xasan ayaa shaaciyey inuu wareejiyey xilkan oo uu soo hayey muddo, iyadoo xilka loo magacaabay xilligii uu wasiirka ahaa Cabdi Siciid Faarax (Juxa), kadib khilaf dhex maray xoghayihii hore ee Yaxye Cali Hareri oo ay isku dhowaayeen Ra’iisal wasaare Kheyre,.
Xoghayaha xilka banneeyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo mas’uuliyiinta uu saameeyay go’aanka meesha loo saaray xilkiisa, iyadoo la dhaqan gelinayo go’aankii golaha wasiirada ay ku baabi’iyeen xogheyaasha joogtada ee wasaaradaha xukuumada federaalka Soomaaliya.
AKHRISO: SIDEE XILKA KU YIMID XOGHAYAHA XILKA WAREEJIYEY