Friday, June 27, 2025

Xoghayihii laga saaray Guddiga Maaliyadda oo shaaciyey inuu ka baxay Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh

Xoghayihii Guddiga Maaliyadda ee laga saaray Guddigaasi Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xubinnimadii Xisbiga Midowga Horumarka iyo Nabadda (UPD) oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Farriin qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku shaaciyey inuu ka baxay  Xisbiga UPD, isagoo yiri: “Waxaan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 30/12/2018 halkaan ku cadaynayaa in aan ka tanaasulay Xubinnimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) sababa aniga ii gaar ah oo aanan halkaan ku xusi karin..”.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa wasiiru dowlaha Maaliyadda kasoo ahaa xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ka mid ahaa ragga ugu dhow-dhow, wuxuuna muddooyinkii danbe hormuud u ahaa xildhibaannada mucaaradka ee ku kacsan dowladda Somalia, iyadoo aan la ogeyn waxa xilligan keenay inuu arrintan ku dhawaaqo.

Marar badan ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu heshiis la galo xukuumadda Soomaaliya, taasoo lagu guuleysan waayey, waxayna arrintan culeys ku keeneysaa xildhibannada mucaaradka oo uu xubin firfircoon ka ahaa inkasoo saameyntiisa ay dhammaatay markii laga saaray Guddigii Maaliyadda oo u gacanta ku hayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON