Ciidamada Soomaaliya ee tababarka loo geeyay dalka Eritrea waxay soo bilaabatay safarkii uu Madaxweyne Farmaajo ku tegay dalka Eritrea Septembar 2018, isagoo dalbaday in ciidamo loo tababaro, waxaana la isla qaatay markii uu Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki uu yimid Muqdisho Disembar 2018.
Qorshaha ciidamada waxaa loo xil saaray Hay’adda NISA, iyadoo uu mas’uul ka noqday sarkaal u qaabilsan Bariga Afrika, waxaana daadgureynta ciidamada la geynayo Eritrea ay bilaabatay Ogost 2019. Tirada ciidamada Soomaalida ee lagu tababarrayo Eritrea ayaa lagu qiyaasay 5000 ilaa 7000.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamadaasi booqday Oktoobar 2020 Eritrea oo safarkii ugu danbeeyay uu ku tegay, waxaana shaki badan ka dhasay sida loo qarinayo ciidamadan iyo intooda badan in lagu geeyay Eritrea, iyadoo loo sheegay in shaqo loo geynayo dalka Qatar.
Ciidamadan oo aanay ka war heynin Taliska Xoogga dalka, isla markaana si gaara uu Madaxweyne Farmaajo u qorsheeyay, ayaa tuhun badan laga qabaa, waxaana la sheegay inuu fikirkooda lahaa Madaxeynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii uu Garoonka Muqdisho ku arkay ciidamada AMISOM ee ka taliya, arrintaas oo uu welwel ka muujiyey una sheegay Farmaajo inuusan ciidamadaasi iyo xaaladda ka jirta Garoonka aanu ku gaari karin waxa uu doonayo inuu hanto.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA GALKA BARISKA EE VOA-DA
