Iyadoo ay maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhacyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ilaa xalay socday olole doorasho iyo galaangal xoog leh oo ku saabsan ciddii xilkaasi ku soo bixi lahayd.
Saddexda Mushar ee xilkan u taagan ayaa waxaa u ololeynaya oo kala taageersan dhinacyo kala duwan, waxaana saameyn ku leh khilaafaad u dhaxeeya beelaha dhexdooda, shaqsiyaad siyaasiyiin iyo dhaqan isugu jira iyo dowladda Soomaaliya.
Waxaa xilkan u tartamaya musharixiinta kal ah: Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow, waxaana tartanka xiisihiisa hoos u dhigay markii ay kala qeybsantay beesha Ceeldheer ay kasoo jeedaan labada musharax ee la tartamaya Dr. Gacal oo si toos ah ay dowladdu u wadato, uguna ololeyneyso.
Fursadaha mid kasta heysto waa sida soo socota:
1- Dr. Maxamed Nur Gacal: Waxaa musharaxa taageerada ka heysta dowladda Soomaaliya, waxaaana ku mideysan beeshiisa, iyadoo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu wax waliba u sameeyay inuu ninkan kusoo baxo xilkan, wuxuuna leeyahay rajada ugu weyn ee ah inuusan wajihin loolan adag.

Musharaxa dowladda waxaa taageeraya iyadoo ay kala qeybsan yihiin labada musharax ee la tartamaya oo kasoo hal beel, waxaana dadka ololaha doorashada u wada ay soo gabagabeeyeen diyaargarow ay kalsooni ku qabaan.
2- Cabdinasir Aaden Cismaan: Musharaxan waxaa taageeraya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxda Ahlu suna, waana midka ay ka cabsi qabaan taageerayaasha dowladda iyo musharax Gacal, laakiin fursadda uu heyso ma badna, waxaana caqbad weyn ku ah in xitaa aanu heysan xildhibannada Beeshiisa intooda badan, taasoo ay ugu wacan tahay khilaafka beeshan hareeyay ee u dhaxeeya nabadoonkooda iyo Xasan Sheekh.

3- iyo Cabdullaahi Axmed Calasow: Musharaxa saddexaad rajo badan ma laha, waxaana is-sharraxaadiisa ay tahay calaamad muujineysa tabardarrada dhinaca ka horjeeda musharaxa dowadda wadato. Dadka qaar ayaa aaminsan inuu raacdo-reeb u yahay musharaxa dowladda oo aanu doorasho rasmi ah ku jirin, waxaana aad ugu yar kharashka doorashada oo labada xildhibaan ee kale ay ku cadcad yihiin.
Waxaa tanaasulay Musharaxan markii la sheegay in xildhibaannadii taageersanaa ay ka raaceen musharaxa dowladdu wadato.

Saadaasha Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Galmudug
Doorashada maanta waxay u badan tahay inuu ku soo baxo musharaxa dowladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal oo ka sokow inuu heysto fursado badan ay haddana dheer tahay inaysan kasoo horjeedin tartameyaal adag; wayna adag tahay in lama filaan weyni dhaco.
GOOBJOOGE