Wednesday, June 25, 2025

Xubbinimadii Ruushka ee Guddi ka mida Q/Midoobay oo la joojiyey (Somaliya oo ka baaqsatay..)

Dalalka Itoobiya iyo Eritea oo Ruushka taageeray, kana hor yimid in la hakiyo xubinnimadiisa, halka Somaliya iyo Jabuuti aysan coddeyn.

Golaha Guud ee Q/Midoobay ayaa Khamiistii shalay u cod u qaaday qaar ay so odiyariyeen Reer Galbeedka oo lagu hakinayo xubinimada dawladda Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Q/Midoobay.

Go’aanka ayaa la xiriira xadgudubyada lagu eedeeyey in Ruushku uu ka geysanayo dalka Ukraine, waxaana codka loo qaaday in Ruushka laga joojiyo xubinnimada Golaha Xuquuqda Aadan taageeray 93 dal.

Waxaa diiday go’aanka joojinta, 24 dal oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Eritrea, Waxaana ka aamusay 58 dal. Halka dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti aanay kulanka ka xaadirin, wax codna ka dhiiban arrintan.

Golaha ayaa xubinimadii Ruushka u hakiyey arrimaha la xiriira “xadgudubyada waaweyn ee abaabulan ee xuquuqda aadamaha” iyo xadgudub dhinaca sharciga dawliga ah, oo lagu soo eedeeyay inuu Ruushku ka geystay dalka Ukraine.

In qaraarku meel maro waxaa loo baahan yahay labo meeloodow saddex, iyada oo dalalka ka aamusayna aan la tirineynin, taasoo keentya iuu dhaqan galo qaraarkaasi.

47 dal ayaa ku jira Golaha Xuquuqda Aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Waxaa cod qarsoodi ah ku doorta Golaha Guud ee QM. Ruushka waxa uu hadda ka mid ahaa golahaas oo 3 sano oo kasta doorasho loo galo. Xubinimada Ruushka ayaa dhamaaneysay 31ka bisha December ee sanadka dambe ee 2023.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON