Xubnaha Guddiga Baarlamaanka ee Maaliyadda ayaa isku hor qabsaday fadhigii Baarlamaanka oo looga hadlayey warbixinta Miisaaniyadda 2018.
10 xubnood ayaa ugu horeynba Baarlamaanka hor geeyay tabasho ku saabsan inaysan qeyb ka ahayn kooxda warbixinta qoray ayna baal marsan sharciga in golaha la horkeeno, waxayna ku sheegeen warbixinta mid siyaasadeed oo qaar ka mida Guddiga ay wataan.
Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mida xubnaha ka hor yimid warbixinta Guddiga uu ka tirsan yahay ayaa ku sheegay inay tahay warbixin siyaasadeysan oo aan ka tarjumeynin xaaladda maaliyadda, isagoo eedeyn u jeediyey xubnaha Guddiga magaciisa ku hadlay.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda xildhibaan Cali Cabdi Cisman ayaa difaacay warbixinta, wuxuuna sheegay in Guddiga u dhammaa warbixinta, ayna hayaan caddeymo maqal iyo muuqaal leh, iyadoo ka tashanaya warbixinta.
Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa shirka ka sheegay ereyo ku weeraray xubnaha ka tirsan guddiga oo uu sheegay inay xukuumadda soo abaabushay, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda inay lacagaha ku takri fashay
“Baarlamaanka maanta waxa uu noqday shineemo oo kale, waliba iyadoo ay meesha fadhiyaan oo ay sacbinayaan dadkii lunsaday hantida dadka”. ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, hadalkaasi ayaa dhaliyey buuq, markii ay istaageen Xildhibaano iyo Wasiiro oo ku buuqay, waxaana markii danbe kulanka dib loo bilaabay iyadoo loo yeeray wasiirka maaliyadda.
Mar kale ayuu buuq hareeyay fadhiga Baarlamaanka, kadib markii Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir uu sheegay in Guddiga maaliyadda ay ku jiraan rag qandaraasyo gaara laga qaaday oo dowladda dano gaara u ceebeynaya, waxaana laga dalbaday inuu raaligelin bixiyo.