Tuesday, June 24, 2025

Xubnaha Guddiga Xalinta khilaafaadka ee laalay 11-ka Kursi oo sheegay inay xaaladooda halis ku jirto

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa beesha caalamka gaarsiiyay war cusub oo ku saabsan xaaladda ay ku shaqeeyaan iyo dhibaatooyin soo wajahay.

Guddigan oo dhowaan laalay 11-kursi oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka, kadib markii ay sheegeen in sharci darro lagu helay  ayaa keenay xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo diidmo ay kala hor yimaadeen Guddiyada Doorashooyinka heer maamul Goboleed.

Guddoomiyaha Guddiga iyo xubnihiisa ayaa beesha caalamka gaarsiiyay xaalad so wajahday iyagoo sheegay ammaankooda uu halis ku jiro oo ay hanjabaadyo iyo cabsi gelin lagula kacay, waxayna codsadeen in ammaankooda la sugo, taasoo beesha caalamka ay ka aqbashay.

Guddiga u madaxda u yahay C/risaaq Jaamac Barre ayaa sidoo kale Beesha caalamaka ka dalbaday in loo kordhiyo mushaarka iyo kharashaadka kale ee la siiyo arrintaas oo beesha caalamka ay sheegtay inay quseyso Guddiga Doorashooyinka heer Federaal maadaama aysan lacagta guddiyadu bixin UN-ka ee laga bixinayo khidmooyinka laga qaadomusharixiinta.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA WAKIILKA Q/MIDOOBAY

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON