Ciidanka Booliiska Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka Saldhigga Degmada Deyniile ayaa howlgal caawa kusoo qabtay dabley la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.
Dableydan oo ka koobneyd saddex qof ayaa watay Moojo Bajaaj, waxaana Boolisku sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo ku howlanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen dadka shacabka ah.
“Ciidanka ayaa raggaan soo qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagarqabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah (Baasuuke), waxayna haatan ku jiraan gacanta ciidanka amniga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
