Laba ka mida saddex nin oo ka tirsaneyd Alshabaab ayaa ku dhintay Miino ay ku aasayeen Isgosyaka Ex Ex-control Balcad ee Degmada Heliwaa, Gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu dhacay aroornimadii Saaka abaare 10:00, ka hor salaadii subax, waxaana qasaaraha uu ku koobnaa kuwii dhigayay miinada.
Sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane mid ka mida saddexda dhalinyaro ee Alshabaab ka tirsan ayaa goobta ka baxaday iyadoo labadii kale jirkoodu go’go’ay.
Ciidamo iyo dadweyne fara badan ayaa saaka tegay goobta oo laga qaaday jirkii labada nin ee meydka ahaa, waxayna ka mid tahay falal ay ku halaagmeen kuwii doonayay inay waxyeelo geysteen oo marmar ka dhaca Muqdisho.
Goobjooge.com