Hay’adda NISA ayaa shaacisay inay ciidamdeeda gacanta ku dhigeen xubno ka mida amniyaadka ururka Alshabaab.
Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu Sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qabteen degmada Dharkeynlay ee Gobalka banaadir , kadib markii Howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degmadaasi.
Ciidamada NISA ayaa la sheegay inay qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka, sida laguy faafiyey barta ay NISA ku leedahay twiter-ka.
NISA ayaa muddooyinkan danbe baraha bulshada ku faafisa qoraallo ka hadlaya howlgallo ka dhan ah Alshabaab iyo xubno lagu soo qabtay magaalada Muqdishi iyadoo aan soo bandhigin faahfaahin dhereaada ah.