Xubno ka mida diblomasiyiin ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo tababar loogu qaadayo dalka Qatar ayaa maanta lagu sagootiyey xarunta wasaaradaasi.
Waxaa xubnahan oo gaaraya toban ay u safri doona Magaalada Doha Jimcaha Berri, iyadoo la sheegay inay yihiin tobanka ugu wanaagsan diblomaasiyiinta ku hadla Af Carabiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay u soo qaataan tababar diblomaasiyadeed oo mudadiisu tahay shan cisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta inay ka la yimaadaan xushmad iyo tixgelin oo tilmaan u noqonaysa sarreynta iyo barbaarinta iyo inay si mug leh uga faaideystaan tababarka diblomaasiyadeed si nafsaddooda iyo Wasaaraddaba ay ugu horumariyaan.
Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in tababarkan mudadiisu kooban tahay uu yahay kii seddexaad oo qaar ka mid ah kaadirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga lagu tababaro Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.