SAWIRRO: Gaarigii lagu qarxiyey Jeneraallada Cumar Dheere & Cabdi Jamaame & Ciidamo la socday

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qarixii ka dhacay degaanka Dhannaane ee Gobolka Sh/hoose oo lagu dilay galabta Taliyihii Guutada 12-ka April ee ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cumar Aadan (Cumar Dheere).

Qaraxa ayaa ahaa miino wadadda loo dhigay oo ku qaraxday Gaari Land Cruizer (Cabdi Bille) ah oo ay la socdeen Jen. Cumar Dheere iyo abaanduulihii Guutada 12-ka April Jeneraal Cabdi Cali Jamaame, waxaana ku wehliyey 7 askari  oo ilaalo u ahayd oo dhammaantood ku geeriyooday qaraxa.

Geerida labada Jeneraal iyo ciidamada la socday waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, wasiirada iyo xildhibanno dhowr ah, iyadoo si weyn loo hadal hayo Qaraxan oo dhaliyey qasaarihii ugu weynaa ee soo gaara milateriga Soomaaliya.

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

112,043FansLike
622FollowersFollow
2,592FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

112,043FansLike
622FollowersFollow
20FollowersFollow
2,592FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!