Monday, July 14, 2025

Xubno lagu tuhunsan yahay inay Dilal qorsheysan ka fuliyeen magaalada Muqdisho oo la qabtay

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in xubno lagu tuhunsan yahay falal lagu dilal ah oo dad lagu khaarijiyey dad kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu soo qabqabtay kooxo isugu jira burcad iyo qaar dil ka geysatay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana ciidamada booliska ay howlgallada ka fuliyeen degmooyinka Wardhiigley, Wadajir, Yaaqshiid iyo Hodan.

Isniintii hore ayaa howlgal ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Hodan lagu soo qabtay 5 ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dil ka dhacay degmada Wadajir ee Magalada Muqdisho, halka sidoo kale ciidamada Booliska ay degmada Wardhiigley ku qabteen saddex Ruux oo watay Mooto Bajaaj oo ahaa burcad.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON