Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa sheegaya in xukun culus oo dil iyo bixinta Magdhow ah ku riday nin qabay cudurka AIDS-ka oo magaalada ku kufsaday gabar 6 sano jir ahayd.
Maxkamadda Darajada koowaad G obolka Mudug ayaa Dil toogasho iyo Magdhow dhan 5000 Doolar ku xukuntay eedaysane Mukhtaar C/kaafi Xersi oo lagu helay kufsiga gabar yar oo 9 sano jir ah oo lagu magacaabi jiray Farax Faarax Jaamac Siyaad.
Eedeysane Mukhtaar C/kaafi Xersi ayaa la xaqiijiyey inuu qabay Cudurka HIV, wuxuuna Bishii Febraayo ee 2019 sanadkan Magaalada Gaalkacyo ku kufsaday Gabar 9 sano jir ah isagoo qaadsiiyey Cudurka HIV.
Eedeysanaha la xukumay ayaa da’diisu ahayd 36 sano jir, waxaana dadkiisu ku doodeen inuu dhimirkiisu taam ahayn, taasoo caddeymo loo waayey, iyadoo xukunkan adag