Monday, July 14, 2025

Xukun Dil Qisaas ah oo lagu fuliyey Nin Toorey ku dilay Hooyadiis oo 72 sano jir ahayd iyo Walaalkiis

Waxaa degaanka Shaw ee gobolka Hiiraan shalay ka dhacay fulinta xukun Dil toogasho oo qisaas ahaa, kaasoo lagu fuliyay nin gacan ku dhiigle ah dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Calasow Cabdi ayaa degmada Jalalaqsi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sano jir aheyd iyo walaalkiis Macallin Maxamuud Calasoow Cabdi, isagoo Toorey u adeegsaday dilkiisa sida ay shaacisay Maxkamadda Alshabaab eee Gobolka Hiiraan.

Waxaa gacan-ku dhiiglaha soo dacweeyay walaalkiis lagu magacaabo Ibraahim Calasow Cabdi, iyadoo isaguna uu qirtay inuu dilay Hooyadiisa iyo walaalkiisa, waxaana amarka dilka toogashada ku xukuntay Maxkamadda Alshabaab.

Dadweyne loogu yeeray inay goobjoog ka noqdaan toogashada ninkan ayaa ka qeyb galay fulinta xukunka qisaasta ah, wuxuuna ka mid yahay falalka naadirka ah ee ka dhaca Soomaaliya, balse lama sheegin sababta dilka keentay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON