Maxkamdda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xabsi ku xukuntay ciidamo iyo maleeshiyo lagu soo qabtay jig-gooyo ay dhigeen degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Eedeysanayaasha oo ka koobanaa shan nin oo saddex ka mida ay ciidamada ka tirsanayeen, laba kale ay ahaayeen caawiyeyaal hubeysan ayaa lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ciidan ah iyadoo lagu eedeeyay jidgooyo u taalay meel u dhow Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah: 1- Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini.
Waxaa la sheegay inay eedeysane isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiiyeen in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad eedeysanayaasha, waxayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.



