Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xabsi 10 sano ah ku xukuntay Eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo lagu helay inuu ka mid ahaan aleeshiyada Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bombooyinka F1.
Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019 isagoo kasoo safray Janaale, wuxuuna watay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin.
Waxaa Maxkamadda la hor keenay agabkii lagu soo qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed oo ka kooban labo BOM F1, wuxuuna qirtay demigii lagu soo oogay. Ku- xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada Qalabka sida G/le Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.