Sunday, June 22, 2025

Xukun lagu riday Ninkii Daacish u qaabilsanaa Cabsi-gelinta Ganacsatada Suuqa Bakaaraha

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku riday Nin ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo qaabilsanaa handadaadda Ganacstada suuqa Bakaaraha.

Ninkan oo lagu magacaabo Warsame Cabdi Xasan kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa u safray Gobolka Bari, halkaas oo uu kula soo kulmay hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/qaadir Muumin, wuxuuna si weyn u aamisan yahay afkaaraha Daacish.

Warsame Cabdi Xasan ayey Daacish u xil saartay magaalada Muqdisho gaar ahaan inuu handado ganacsatada diida inay lacagaha siiyaan kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay Buuraha Gobolka Bari.

Ad

Waxaa lagu soo qabtay bishii Oktoobar 2022, markii uu weerar ku qaaday xarun Ganacsi oo ku taalla suuqa Bakaaraha oo uu rasaas ku dhex riday, markii ay diideen inay lacago baad ah siiyaan Daacish, waxayna maxkamadda ku xukuntay xabsi ciidan oo 15 sano ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON